Xildhibaan Cali Mareexaan Oo Gaadhi Ku Wareejiyay Degmada Qorilugud. …….
Shabakadda Xogsoor

Smiley face
Smiley face
Smiley face
Smiley face
July 1st, 2015

La Wadaag

Hargaysa(XN)Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa Maanta Gaadhi Seeraf Ah ku wareejiyay Deegaanka Qorilugud oo baahi Wayn u qayb Gaadhiga Sida uu Xildhibaanku sheegay.

Xaflada Loo qabtay Wareejinta Gaadhiga ayaa waxa ka soo qayb Galay,Wasiirku ku xigeenka Arimaha Gudaha,Badhasaabka Gobolka Togdheer,Guddoomiyaha degmada qorilugud iyo Masuuliyiin Kale.

XIldhibaanka ayaa sheegay baahida looqabay Gaadhigani in ay ku soo wargaliyeen Maamulka Degmadu in Gaadhi La’aani ay hayso taasina ay keentay xildhibaanku in gaadhigan u soo iibiyo.

Waxaana uu xildhibaanku Rajo wacan ka muujiyay



in gaadhigaas sidii loogu talo galay loogu shaqayn Doono baahid badan oo xaga amaanka ah ka kafayn Doono Deegaanka waxaana uu yidhi.

“Halkan Maanta waxa aynu iskugu Nimid degmada Qorilugud Sidii aan ugu wareejin lahayn Gaadhiga Seerafta Ah ee Halkan Yaala,Halkan waxa ku sugan oonu ku wareejin Doonaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha,Badhasaabkii Gobolka,Dagmadan Qorilugud oo Ah dagmo Balaadhan baahi badana u qabta Gaadhigan siday ii shegeen maamulka Degmadu iyo odayaashuba inaanay haysan Dagmadu gaadhi,waxaanan ka hawl galay sidii aan gaadhigaas ugu soo iibin lahaa waanan isku hawlay.

Intaas waxa uu ku daray Xildhibaan Cali mareexaan oo Hadalkiisa Siiwata waxaana uu yidhi.”waxaan ku rajo waynahay inuu Si wanaagsan ugaga Hawl Galo Arimaha Halkaas ka taagan haday noqoto Xaga Amniga iyo Hawlaha Maamulkiisaba isku xidhka in ay u fududayso ayaan ku Rajo waynahay,waxaanan Qabaa in Gaadhigani Baahida Gobolka wax wayn ka tari Doono.

Xildhibaanka Ayaa inta Badan Hawla Dagmada Qorilugud iyo Baahiya ka taagan u kuur gala kaas oo hadba Dhanka Ay ka tabayaan Ka caawiya isaga oo Seeraftan uu hada ku wareejiyay Aanay noqon Doonin Agabkii Am Adeegii ugu horeeyay ee uu ku wareejiyo Dagmadan,waxaana uu Furaha Gaadhiga ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha somaliland.

Axmed Cadare oo kala wareegay Xildhibaanka Furaha Gaadhiga ayaa isna waxa uu ku wareejiyay Badhasaabka Gobolka Togdheer waxaana uu ku nuux-nuuxsaday waxqabadka joogtada ah ee Xildhibaanku lagarab taagan yahay markasta degmada uu ka soo jeedo xildhibaan ahaan laga soo doortay waxaana uu yidhi.

“Xildhibaankani maaha markii Koobaad ee deeq noocan oo kalaa ah ku wareejiyo deegaanka uu ka soo baxay am ka soo jeedo,waxaanan leenahay xildhibaanka waanu kaa gudoonay gaadhiga halka aad ka soo saartayna ilaahay wax kale hakuugu badlo ayaan odhan lahaa,Aad ayaan ula xidhiidhaa degmada waa meel xasaasi ah,ka wasaarad Ahaan waxa nagu waajib ah inaanu kaalin tayada wax ka qabano gobolada oo badan awgood,waxaaba naga soo gaadhay xildhibaanka.

Wasiir Axmed Cadare ayaa ku nuux-nuuxsaday waxqabadka aan indhaha laga leexin Karin ee Xildhibaanku ka fuliyay degmada inuu yahay mid uu mutaystay in lagu amaano isaga oo furaha gaadhiga ku wareejiyay badhasaabka Gobolka Burco.

Maxamed muuse Diiriye badhasaabka Gobolka Togdheer ayaa ka shekeeyay Baahida Degmadu u qabtay Gaadhigan iyo Sida uu Xildhibaanku Markasta Doorka muuqda uga Ciyaaray inuu Kafeeyo Baahida ay qabaan Dadkii Soo doortay waxaana uu yidhi.

“Aad ayaan ugu faraxsanay inuu maanta Xildhibaanku Degmada oo gaadhi tabaysay ku wareejiyo,Mudo Badan degmadu bilaa gaadhi ayay ahayd iyada oo meel xasaasi ahna ku tala,Maahana markii koobaad ee dagmada oo kalaa sidan u siiyo gaadhi waa markii shanaad am Afaraad,waa nin kaalintiisa ka soo baxay waa nin dadkii doortay wax ku celiyay waa nin ogo xaaladoodu siday tahay waa nin ogo hadba xaalkoodu halka uu marayo,halkaas kasii wada oo ka hadhin.

Guddoomiyaha Gobolka Qorilugud ayaa isna badhasaabka Gobolka Togdheerna Kala wareegay Furaha Gaadhiga isaga oo wajigiisa ka Muuqato Farxad aan lasoo Koobi Karin oo baahida gaadhiga u haysay ay sababtay in hawlo badan oo maamulku qaban lahaa ay istageen sida uu cadeeyay guddoomiyaha dagmada oo ka maro kacay waxqabadka baaxada leh ee uu markasta lagarab taagan yahay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ku sifeeyay Xildhibaan Kaalinta uu Degmada ku lahaa Muujiyay Kasbadayna Dadkii Doortay.

 “Baahi wayn ayaanu,gaadhi la’aan ayaa inbadan nahaysay,Xalaad Ada goo Duurafa Ah ayaa nahaystay oo Sugida Amnigu ka Kow tahay,Tana tiikoobaad noomaa Aha ee waatii Afaraad ee uu degmada ka qabto,Xarunta Dawlada Hoose ayuu noodhisay,Sportiga ayuu naga caawiyay,Saldhigi ayuu noodhisay,ifka Dalacaadaadu way muuqataa aakhirana inaad guulaysto ayaan Rajayn Doonaa.

Xildhibaan cali xasan maxamed (cali mareexaan) oo ka Tirsan Xildhibaanada Aqalka Golaha wakiilada somaliland kana Soo jeeda Deegaanka Qorilugud Ayaa markasta ka taakuleeya Degmada Baahiya Ay qabto isaga oo marar Badan ka Fuliyay Hawlo Badan oo Sama Fal Ah.

 

XOGSOOR

 

 

 

La Wadaag

FEATURED

  • Komishanka iyo Xisbiga Wadani Oo Khilaaf Koodi Soo Gaba Gabeeyay
  • Muslimiinta iyo Buudistaha dalka Sri Lanka oo dagaallamay
  • Baarlamaanka Soomaaliya oo sharcidarro ku tilmaamay dhiibistii Qalbi Dhagax
  • Wixii Umusha U Dan Ah Ayuunbaa Ilmahana U Dan Ah. (W/Q: C/Raxman Caydiid)
  • Nabad-Baa Naas La Nuuga Leh. W/q: Guleed Maxamed
  • Somaliland … !!! Meel Qof Kastaa Leeyahay Nabadda Ha La Ilaaliyo! (Somaliland !! Where Everybody Says,Peace Must Be Kept)!!
  • Maddaxwaynaha Puntiland iyo Safiirka Jayna Ufadhiya Soomaliya oo Shirjaraaid Siwadajiraa U Qabtay
  • Xisbiga Haya Talada Dalka Zimbabwe Ee Zanu-PF Oo Madaxweyne Mugabe Ugu Baaqay Inuu Xilka Ka Dago
  • DAAWO:-Badhasaabka Gobolka Sanaag Saraakiisha Ciidanka iyo Madax Dhaqameedka Oo Baaq Nabadeed Diray.
  • Wasiirka Qorsheynta Iyo Maalgashiga Somaliya Oo Hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Dalkiisa.
  • Pentagon-Ka Oo Si Kama Ah U Sii Baahiyay Codsiga Is Casilaadda Trump
  • siyaasi cabdiqadir obsiiye oo fariin nabad gelyada ah u diray shacabka somaliland
More Featured