Published On: Wed, Apr 15th, 2020

Puntland oo Dacwo ka ah Sheekh Rusheeye

Share This
Tags

Xukuumada Puntland ayaa Shiikh Rusheeye dacwad ka gudbisey markii uu ka tegey deegaanada Puntland. Wasaarada cadaalada ayaa sheegtay inuu gudbiyey fariimo marin habaabin ah oo ku aadan cudurka Carona Virus.

Shiikh Cabdixaq oo loo yaqaano Rusheeye ayaa 10 maalmood ka hor sheegay inuu hayo daawada cudurka Carona, dad badan ayaa ka falceliyey hadalkiisa iyadoo culimada caafimaadku ku baaqeen in laga hortago khatarta fariinta wadaadku faafiyey.

Balse Puntland oo aan ka hadlin talaabana qaadin intii wadaadku joogey gudaha Puntland ayaa maanta xeer ilaalinta u gudbisey dacwad ka dhan ah wadaadkan oo shalay si aan qarsoodi ahayn oo iskii ah uga tegey Puntland.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>