Published On: Tue, Apr 14th, 2020

Puntland: Dad looga shakiyay Coronavirus oo la karantiilay

Share This
Tags

Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka Coronavirus ayaa xaqiijiyay in shalay gudaha Puntland lagu karantiilay laba ruux oo looga shakiyay cudurka COVID-19 inkastoo aysan shaacin halka labadaas ruux ku sugan yihiin.

Qoraal xalay ka soo baxay guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee Puntland ayaa lagu sheegay in guddigu ay Isniintii shalay karantiileen laba qof oo lagu arkay caalamadaha xanuunka COVID-19 kuwaas oo looga shakiyay in ay xanuunka qabaan.

Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu xusay in labadaasi qof baaritaan lagu sameeyay si loo xaqiijiyo haddii ay qabaan xanuunka islamarkaana baaritaankaas oo isla shalay la qaaday ay guddigu sugayaan natiijada ka soo baxda.

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta ee Puntland ayaa horay u karantiilay shan ruux oo looga shakiyay xanuunka COVID-19 balse baaritaan kadib dhammaantood waa laga waayay xanuunka sida ay guddiga sheegeen.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>