Published On: Tue, Apr 14th, 2020

Nin Isku Dal-Dalay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Share This
Tags

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in geed ku yaalla halkaas gelinkii dambe ee shalay lagu arkay Nin qoorta xarig ugu xiran yahay oo Meydkiisa kasoo laad-laada geedka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu ku timid is dal-dalaada Ninkaas oo da’adiisa lagu qiyaasay 35-sano jir, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ninka isagaa uu  is dal delay, halka kuwa kalena ay tilmaamayaan in la sirqiyey.

Meydka Ninka ayaa goobta waxaa kasoo qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug, waxaana falka uu sigaar uga dhacay deegaan lagu magacaabo dagaari oo ku yaalla duleedka Gaalkacyo.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in dhacdadaan ay ku abuurtay cabsi xoogan, waxaana dadka qaarkood ay tilmaameen in Arrintan ay u gub ku tahaya deegaanka dagaari ee Gobolka Galgaduud.

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>