Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

admin
Read Time:44 Second

Madaxweynihii hore ee Somaliya ahna Guddoomiyaha madasha Xisbiyada Qaran ee dalka Shariif sheekh Axmed, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waayihii dambe wuxuu ku sugnaa dalka dibadiisa oo uu kulamo kala duwan kula soo qaadanaayay Jaaliyaddaha Somaliyed ee Qurbaha.

Markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan madasha Xisbiyada Qaran ee dalka.

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maray baaritaanka Hubinta Coronavirus ee lagu sameeyo muwaadiniinta Somaliyed ee dalka dib ugu soo laabanaya.

Intaasi kadib ayaa Shariif Sheekh Axmed, waxa loo galbiyay Aqalka uu ka degan yahay Muqdisho, waxaana la filayaa maalmaha soo socda kulamo kala duwan inay ka bilaaban doonaan Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaa dareen waxa ay ka qabtaa Xisbiyada Siyaasadda ee dalka, maadaama la filaayo dhawaan dalka inay ka dhacdo doorasho.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Toos udaawo shirka Garoowe

Subscribe US Now