Dowladda Soomaaliya oo ka mamnuucday inay dalka soo galaan dadka ka imaanaya afar dal

admin
Read Time:51 Second

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mamnuucday inay dalka soo galaan rakaabka ka imaanaya afar dal oo ee si ba’an u saameeyay Cudurka Coronavirus.

Amar ka soo baxay Hey’adda Duulista rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus in dalka laga mamnuucay inay soo halaan rakaabka ka imaanaya dalalka Shiinaha, Iiraan, Talyaaniga iyo Koofur Kuuriya ee isugu jira muwaadiniinta iyo ajaaniibta u dhashay dalalkaas.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay shaqaalaha iyo duuliyeyaasha diyaaradaha in haddii rakaabka qaar ee ay uga shakiyaan inuu haayo cudurka ay qalabka raadiyaha kala soo xiriiraan howlwadeenada hey’adda duulista, ka hor inta aysan diyaarada soo cagadhigan, si looga hortago ama loo mariyo qalabka caafimaadka ee lagu baaro dadka qaba xumadda cudurka Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa garoomada diyaaradaha ee dalka ku diyaarisay howlwadeeno baaraya dadka ka soo dagaya garoomada, si loola socdo xaaladooda caafimaad.

Si kastaba ha ahaatee dalalka Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya ayaa maalmo ka hor laga helay kiisaskii u horreeyay cudurka Coronavirus.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Dalka Sweden oo ka digay dhammaan safarrada ay ku socdaalayaan.

Wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa soo saartay bayaan ay kaga digeeyso in laga baaqdo safarrada laga maarmo ee dhammaan dalka dibaddiisa loogu socdaaleyo. Tallaabadan ayaa ka dambeeysa sidii looga hor tegi lahaa faafidda caabuqa korona iyo xaaladda degdegga isku bedelaysa ee caalamka ka aloosan. 24 kii saac ee u dambeeyey […]

Subscribe US Now