Dalka Sweden oo ka digay dhammaan safarrada ay ku socdaalayaan.

admin
Read Time:54 Second

Wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa soo saartay bayaan ay kaga digeeyso in laga baaqdo safarrada laga maarmo ee dhammaan dalka dibaddiisa loogu socdaaleyo.

Tallaabadan ayaa ka dambeeysa sidii looga hor tegi lahaa faafidda caabuqa korona iyo xaaladda degdegga isku bedelaysa ee caalamka ka aloosan. 24 kii saac ee u dambeeyey oo ey waddammo badani ku tallaabsadeen amarro degdeg ah sidii loo dhimi lahaa faafidda caabuqa corona iyo sugnaan la’aanta gaadiidka safarrada ee dayuurradaha intaba.

Go’aankan ayaa la gaaray sabtida maanta, sida uu sheegay Gunnar Vrang waxaa uuna socon doonaa muddo bil ah illaa iyo 14-ka bisha abriil, wixii muddadaa ka dambeeyna la qiimeeyn doono si war looga soo saaro.

Dhammaan dadka dibadda ku sugan waxaa lagula talinayaa inay xaaladdooda qiimeeyaan. Waxaa dhici karta inay ku wanaagsanaan lahayd inay ku sugnaadaan goobaha ey iminkaba joogaan inta xaaladda dayuurraduhu wax iska bedeleyaan oo dib ugu soo laaban doonaan sidii caadiga ahayd. Arrimmahan ayaa caqabado keeni kara, waxaannuna bulshada ka codsaneynaa inay nala dareento oo dulqaad noogu yeelato. Waa xaalad aan horay loo arag, sida uu sheegay Gunnar Vrang.

 

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynihii hore ee Somaliya ahna Guddoomiyaha madasha Xisbiyada Qaran ee dalka Shariif sheekh Axmed, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Shariif Sheekh Axmed ayaa waayihii dambe wuxuu ku sugnaa dalka dibadiisa oo uu kulamo kala duwan kula soo qaadanaayay Jaaliyaddaha Somaliyed ee Qurbaha. Markii uu maanta dalka dib ugu […]

Subscribe US Now