Askari addoonsi iyo dil gaystay oo xukun dil ah lagu riday

admin
Read Time:35 Second

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa saaka
oo Axad ah xukun dil ah ku ridday askari ka tirsanaa ciidanka Militariga oo
lagu helay dilka qof shacab ah iyo dhaawaca mid kale.

Dable Cabdiraxmaan Cabdulle hilowle oo ka tirsanaa ciidanka
Militariga, ayaa lagu helay in uu dilay marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo in uu
dhaawacay yaasiin Geedow Xuseen.

Xukmanaha ayaa dilka iyo dhaawacaas geystay 31 October 2019,
kadib markii marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo yaasiin Geedow Xuseen ay ka
diideen, in uu ku fasho beertiisa oo ku taalla degaanka Buula-mareer ee gobolka
Shabeellada hoose.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku ridday eedaysane Cabdiraxmaan Cabdulle hilowle, waxaana fursad loo siiyay 30 cisho oo Rafcan ah.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo ka mamnuucday inay dalka soo galaan dadka ka imaanaya afar dal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mamnuucday inay dalka soo galaan rakaabka ka imaanaya afar dal oo ee si ba’an u saameeyay Cudurka Coronavirus. Amar ka soo baxay Hey’adda Duulista rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus in dalka laga mamnuucay inay soo halaan […]

Subscribe US Now