Mooto Bajaajle lagu dilay Muqdisho

admin
Read Time:52 Second

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi lagu dilay darawal Mooto Bajaaj oo saaka soo shaqo tagay.

Dilka darawalkaan Mooto Bajaajta ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Saybiyaano ee Degmada Hodan, kadib markii shaqsi ay wada murmeen uu toogashadan gaystay.

Darawalka Mooto Bajaajta & ruux watay gaari nooca raaxadda ayaa ku wada murmay marista seedka laamiga, waxaana taasi ay keentay shaqsigii watay Gaariga raaxadda oo hubaysnaa inuu soo dagay, kadibna xabad uu ku dhuftay Bajaajlaha.

Toogashada kadib waxaa goobtaasi ka baxsaday ninkii falka dilka ah gaystay oo watay gaari nooca raaxadda, kaasi oo aan la aqoon meel loo raadiyo.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan ku aadan raadka dambiilaha dilka gaystay, balse wali lama soo qaban.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa laga qaaday maydka Marxuumka Bajaajlaha ah ee sida Bareerka ah loo toogtay, kaasi oo la geeyay xarunta dambi Baarista Booliska Somaliyed.

Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal gardaro ah oo loo gaysto dadka masaakiinta ah ee Magaalada u soo shaqo taga.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Madaxweyne Qoor qoor oo Saddex Qodob kala hadlay Saraakiisha amniga Galmudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyey shirka Golaha Amniga Galmudug, kaasi oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka. Kulankii 8aad ee shirka Golaha amniga waxaa kasoo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha, waxaana laga dhagaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga iyo siyaasadaha gacan siiya […]

Subscribe US Now