Madaxweyne Qoor qoor oo Saddex Qodob kala hadlay Saraakiisha amniga Galmudug

admin
Read Time:40 Second

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyey shirka Golaha Amniga Galmudug, kaasi oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka.

Kulankii 8aad ee shirka Golaha amniga waxaa kasoo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha, waxaana laga dhagaystay warbixin ku saabsan qorshahooda dhanka amniga iyo siyaasadaha gacan siiya amniga.

Saraakiisha ammaanka ayaa bixiyay macluumaad ku aadan hanaanka suggida ammaanka deeganada Galmudug & qorshaha loo dajiyay xureynta deeganada ka maqan gacanta Maamulka.

Shirkaan ayaa waxaa looga dooday qodobo aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin.

  1. Dardargelinta siyaasada amniga Galmudug.
  2. Fulinta qorsha hawleedka guud ee amniga dalka.
  3. Xoreynta deegamada ay haystaan aragagixisada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa boggaadiyay sida fiican ee ciidamada & Saraakiishooda uga shaqeeyaan suggida ammaanka deeganada Galmudug, islamarkaana uga hortagaan isku dayada Shabaab ee qal qal gelinta ammaanka deeganada Galmudug.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Xukuumada Somaliya Oo Dignii u dirtay Maraakiibta  Kalluumeysta.  

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Maraakiibta  sida sharci darrada ah biyaha dalka uga kalluumeysta. Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray Maraakiib laga leeyahay Waddamada Iiraan iyo Pakistan oo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalkeenna. Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay […]

Subscribe US Now