Dalka Danmark oo xiratay xaduudaheeda Caabuqa Corona awgiisa.

admin
Read Time:39 Second

Dowladda Danmark ayaa xalay fiidkii ku dhawaaqday in guud ahaan ay xirtay xaduudaha dalkeeda, waxayna sheegtay in dalka keliya ay soo geli karaan dadka u dhashay. Shisheeyaha kalana laga doonayo in ay la yimaadaan sabab cad oo muhiim ah oo ay ku doonayaan in ay ku galaan dalkaasi.

Mette Fredriksen, ra’iisal wasaaraha dalka Danmark oo shir jaraa’id qabatay ayaa ku sheegtay in ujeedka loo xiray xaduudaha dalkaasi tahay in la xakameeyo faafista caabuqa Coronavirus oo Danmark ka mid tahay dalalka uu ka jiro.

Haddaba go’aankan ayaa lama filaan ku noqday hay’adda gaadiidka Sweden, maamulka buundada xiriirysa Sweden iyo Danmark ee Öresundsbron iyo hay’adda gaadiidka gobolka Skåne. Dowladda qudheeda ayaa ogeyn sida dhabta ah ee go’aanka Danmark u saameyn doono safareyda ka tallowdo xadka labada dal.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

AKHRISO: Xildhibaan Mahad Salaad oo ka digay qorshe uu sheegay inuu wado Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa ka digay qorshe dahsoon oo uu sheegay inuu wado Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ku aadan arrimaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada oo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegayay in boqolaal askari laga wareejiyay Madaxtooyada, lana geeyay qeybo ka mid ah […]

Subscribe US Now