Al-Shabaab oo weerar ku qaaday laba Bas oo maraayay Deegaanka Mandheera.

admin
Read Time:38 Second

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey Labo Bas oo marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in rasaas ay ku hubiyeen labada Bas halkaasi marayay iyadoo uu weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Guddoomiyaha magaalada Mandheere Cali Roobaa ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dad ka afduubteen deegaano hoostaga magaaladaasi, isagoona xaqiijiyay in Al-shabaab ay weerar ku qaaday labo gaari oo bas ah.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in cabsi badan ay ka jirto gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey waxa ay kaga digtay suurtagalnimada weeraro kaga yimaada dagaalamayaasha Al-Shabaab, xili maalmihii la soo dhaafay heegan buuxa la geliyay ciidamada Kenya.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Al-Shabaab iyo kooxda macawiisleyda oo ku dagaalamay Deegaan ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Kooxda Macaawisleyda ah ee la dagaallanta Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen inay dagaal ku qaadeen Al-Shabab kuwaas oo sugnaa degaan lagu magacaabo Beero Yabaal oo hoostaga degmada Buula Burde ee Gobolka Hiiraan ka titsan. Waxay sheegeen kooxda macawiisleyda in weerarkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi […]

Subscribe US Now