Madaxweynihii hore Somaliya Cabdiqasim salaad oo ka hadlay xaalada Gobolka

admin
Read Time:1 Minute, 8 Second

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisada ka taagan gobolka Gedo ee u dhexeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Jubbalanad.

Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in inta badan dagaallada ka socda gobollada dalka ay yihiin kuwa sokeeye, islamarkaana dadka diriraya ay yihiin walaalo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu Alle ka rajeynayo inuu istaago dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Gedo, isagoo dhaqanka ugu baaqay inay ku baxaan xiisadaasi.

“Dagaalka ka socdo goballadu inta badan waa sokeeye wax kale maahan dad walaala ah oo aan kala fogeyn ayaa isdilahaya, hadane Gedo waxaan Alle uga rajeynayaa in dagaalkaasi uu ka joogsado odoyaashana in ay ka qaataan talada oo dagaalka la joojiyo oo aan dadka lagu layn.” ayuu yiri madaxweyne hore, Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dowladda federaalka, isaga oo sheegay in laga doonayo in meelaha ay ka aloolsanyihiin dagaalada in ay ku dhameyso heshiis nabadeed.

“Dowladda waxaa looga baahan yahay in wixii dagaalamaya ay dhexdhexaadiso wixii khilaafaad ah oo jirana nabad lagu dhameeyo ayaa looga baahanyahay in ay ka shaqeyso waana hubaa in ay ka shaqeynayso”ayuu markale yiri Cabdiqaasim Salaad.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada milatariga dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah degmada Beled-Xaawo, kaas oo weli xiisadiisa laga dareemayo xadka dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Madaxdii Kooxda Ahlu Suna ee kusugneyd Garoowe oo u duulay dal ka mid ah dalalka Afrika.

Madaxdii Ahlu Suna Waljameeca ee sannado badan ka talinaysay magaalooyinka Dhuusa-Mareeb & Guriceel, balse dhawaan ay kala wareegtay dawladda Faderaalka Soomaaliya, kuna sugnaa maalmihii u dambeeyey magaalada Garoowe ayaa wararku sheegayaan in ay maanta u duuleen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo kula yeelan doonaan taageerayashooda. Wadaadka […]

Subscribe US Now