Hogaanka Sare ee Ahlu Sunna oo Shaaciyey in ay katanaasuleen Arimaha Siyaasada Galmudug

admin
Read Time:50 Second

Hoggaamiyaha Guud Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa goordhow ku dhawaaqay in uu guud ahaan ururka uu ka tanaasulay Siyaasadda maamulka Galmudug.

Macalin Maxamuud oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dad shacab ah ay ku dhintaan dagaalo ka dhaca Galmudug sidaa awgeedna ay uga tanaasuleen dhammaan ka qeybgalka siyaasada Galmudug.

”Waxaan ka tanaasulney go’aankeenii siyaasadeed ee Hoggaaminta Galmudug , inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor imaato , waxaan u taanaganahay doorkeenii diimeed iyo caqiiqada Ahlusunna Waljamaaca oo aan usii taagnaan doono ” ayuu yiri Hoggaamiyaha Ahlusunna.

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna iyo madax kale oo ka tirsanaa ururkaas ayaa saaka waaberigii isu dhiibay ciidamada dowlada kadib markii madaafiic xoog leh lagu garaacay xaruntii ay ugaga sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya gaar ahaan Guutadda 15-aad oo u badan Ciidankii Ahlusunna ee la qarameeyay ayaa la wareegay Ammaanka Madaxda ugu sareysa Ahlusunna ee kala ah Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir, Ashcari iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Direed iyo weliba qaar kale.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Madaxweynaha Maamulka Galmudug mudane Qoorqoor oo sheegay in ay la Heshiiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay  laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa ka warbixiyey xaalada maamulka iyo qorshaha uga degan caleema raasrka Madaxweyne Qoor-Qoor. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ay la heshiiyeen madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf, dhawaana ay shaacin doonaan  […]

Subscribe US Now