SAWIRRO: Duqa Magaalada Muqdisho Cumar filish oo wareejiyay furaha guri 30-sano.

admin
Read Time:56 Second

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa 30-Sano kadib muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Xasan ku wareejiyay guri uu wakiil uga ahaa Muwaadin Cabdala Cabdiraxmaan Alboosi oo si sharcidara ah hantidiisa looga heestay.

Wareejinta gurigaan kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir masuuliyiinta degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar Weyne sidoo kale taliyaha Saldhiga degmada Xamar jajab kormeer ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay gurigan oo ay ka muuqdeen burbur iyo dayac xoogan.

Marnaba ma aqbali doono in qof muwaadin ah hantidiisa sharcidara lagu heesto waxaana ugu baaqaya qofkaste oo hantidiisa ama gurigiisa sharcidara lagu heesto in uu nala soo xariiro si aan xaquuqdiisa ugu soo dhicino, sidoo kale waxaan digniin adag u diraaya cidkaste oo dagan guri aysan laheyn ama xoog ku heesta hanti uusan laheyn in uu dib isaga wareeji hadii kale sharciga ayaan la tiigsan doona”.

Wakiil Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay cidkaste oo qeyb ka qaadatay in si cadaalad ah ay dib ugu helaan gurigoodi oo muda fog gacantooda uga maqnaa sifa sharcidara ah.

     

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

DAAWO:-Khilaaf soo kala dhexgalay Baarlamaanka Puntland iyo

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Caddaaladda. Abuukaate Ismaaciil oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan […]

Subscribe US Now