Xukuumada Somaliya Oo La Sheegay In ay Ogolaatay..

admin
Read Time:35 Second

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa  waxaa ay sheegayaan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ogolaatay Shahaadada Ardayda deegaanda maamulka Puntland, kadib markii kal horey ay diiday

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda kana soo Puntland ayaa waxaa la sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay dowladda Federaalka u ogolaan laheyn bixinta Shahaadada, iyadoona Arday Puntland loo ogolaaday Shahaadada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xalay kulan Khadka telefoonka ah uu dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha Shahaadada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ka laabatay go’aankii ay ku xannibtay Shahaadada Ardayda Puntland.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Finland oo Qaxooti kasoo qaadaneysa Dalka .

Dowlada Finalnd ayaa shaaca ka qaaday in Qaxootiga ku sugan Dalka Gariiga gaar ahaan Qaxootiga Caruurta ay kasoo qaadaneyso Kaamamka halkaasi ku yaalla Sida maanta daabacay Joornalka YLE ee kasoo baxa Dalkaasi. Sida Joornaalkaasi kasoo xigtay Wasiirka Arimaha Gudaha Finland Maria Ohisalo waxay Dowlada Finland isku diyaatineyso kaalinteeda ku aadan […]

Subscribe US Now