Puntland oo soo saartay digniin culus oo ka dhan ah Dowlaa Federaalka.

admin
Read Time:47 Second

 Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya, waxaana muuqata in Puntland ay digniin hordhigtay madaxda dowladda federaalka.

Cali Xasan Axmed (Sabareey) oo ah Wasiirka Wasaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada ay bilahii ugu dambeysay sare u qaaday faragalinta dhanka maamulkaoo ay ku heyso nidaamka ay ku shaqeeyaan, wuxuuna u sheegay iney horseedi karto dhibaato hor leh.

Wasiirka wuxuu carabka ku adkeeyay in Puntland ay dhawr jeer isku dayday iney wada-hadal la gasho dowladda Federaalka si loo dhameeyo mugdiga ku dhex jira, balse ay dowladda ku fashilantay.

“Dhibaato ayaa ku imaan karta dalka hadii aan la tixgelin dastuurka, madaxda dowladda waxaan usoo jeedinayaa iney maamulka Puntland ka dhaafaan faragalinta” ayuu yiri ali Sabareey.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli wareysi gaar ah oo ay TV-ga Universal ka qaadeen madaxweyne Farmaajo ku sheegay inuu dhawr jeer isku dayay inuu la fariisto Deni, balse madaxweynaha dhawaan la doortay uu ka caga-jiiday.

0 0
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleppy
Sleppy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wakiilka Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan. Kulanka dhexmaray Xasan Sheekh iyo Ergayga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka iyo arrimo […]

Subscribe US Now